Madaxdda Diimaha oo ka hadlay doroshada guud 2022-ka

Qaar ka mid ah madaxda  diimaha ee dalka  ayaa waxay manta eedeymo dhowr ah uu soo jeediyeen saraakiisha amaanka ee dalka .

Madaxdani diimaha  dalka ayaa waxay ku eedeyeen wakalaadaha amaanka in ay xoog xad dhaaf ah adeegsadaan islamarkaasina ay meel uga dhacaan xuquuqda isu imaatanka  iyo kulamada diimaha .

Golaha ay ku mideysan yihin madaxda diimaha  dalka  ayaa sida oo kale sheegay in cidamada booliska loo adeegsado in ay ka hortagaan oo ay joojiyaan hawlaha iyo barnamijyada ka dhacaya   goobaha cibaadada  taasi oo ay tahay wax laga xumaado .

Madaxdani oo ka kala soo jeedaan isbaheysiga  kaniisadda  Evangelical Alliance of Kenya, golaha qaran ee kaniisadaha iyo uruurka muslimiinta ee dalka  ayaa waxay sida oo kale ka hadleen ololaha siyaasadeed ee dalka ka socda iyo warbixinta BBI-da .

Madaxdani ayaa waxay sheegeen in siyaasinta qaarkooda ay la wareegeen warbixinta BBI-da  taasi oo kala qeybsanaanta ka dhax abuuri karto  kenyanka taa badalkeeda ay tahay in ay ka shaqeeyaan mideynta kenyanka . 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *