Newcastle United v Manchester United.

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka St. James’ Park.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Newcastle United ayaa raadineysa guushii labaad oo Xidhiidh ah oo garoonkeeda ah ka dib markii ay Burnley kaga badisay St James ‘Park kulankii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Kooxda Manchester United ayaa dooneysa inay jawaab ka bixiso guuldaradii 6-1 ee ka soo gaartay Tottenham Hotspur.

Kulanka: Newcastle Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: St James ‘Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Newcastle ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaareen Man Utd, waana in ka badan intii ay ka soo guuleysteen 13kii kulan ee ay kaga horyimaadeen St James ’Park.

Gool uu u dhaliyay Callum Wilson ayaa ka dhigi doona kaliya xiddigii 2-aad ee shan gool ka dhaliya shantiisii kulan ee ugu horeysay Premier League ka dib Loic Remy bishii October 2013.

Kooxda Man United ayaa gaadhi karta rikoodh khaas ah hadii ay guul gaadhaan iyaga oo guul gaadhi kara kulankii 6-aad oo ay marti yihiin iyaga oo ugu yaraan dhaliyay 2 gool kulan kasta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *