Jack Wilshere oo kusoo laaban doono Arsenal.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Jack Wilshere ayaa lagu soo waramayaa in uu saxiixiisa u soo bandhigay kooxda Arsenal si uu ugu soo laabto.

Xiddiga Jack Wilshere ayaa isaga tagay kooxda West Ham todobaadkii hore waxana uu haatan raadinayaa koox uu si xor ah ugu biiro.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in uu wakiilka Jack Wilshere la xidhiidhay kooxda Arsenal si uu ugu soo bandhigo saxiixa xiddiga si uu ugu laabto kooxda.

Laakiin Kooxda Arsenal ayaa iska diiday soo laabashada xiddiga iyaga oo u sheegay in ayna wax xiiso ah u qabin in ay dib u helaan xiddiga.

Wilshere ayaaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal ka hor intii uuna ka tagin sabab la xidhiidha dhaawacyo joogto ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *