Naby Keita oo seegi doono kulanka Liverpool Vs Everton.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisa ee Naby Keita seegi doono kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto Everton.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta hogaamiyayaasha horyaalka premier league ee Liverpool kulan si weyn loo sugayo ishana lagu hayo.

Tababare Klopp ayaa xaqiijiyay in uu Keita seegi doono kulanka Everton maadama uuna taam buuxa u ahayn in uu ka qayb qaato Kulanka.

Klopp oo shirkii jaraa’id ee ka horeeyay kulanka ka hadlaya ayaa yidhi”Naby Kieta taam uma ahan kulanka sidaas darteed ma ciyaari doono”.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah xiddiga khadka dhexe kaas oo kulamaddii ugu dambeeyay si joogto ah ugu ciyaaray kooxda Liverpool tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *