Guddiga NCIC oo faarin uu diray siyaasinta jeediyaan hadalada kicinta ah

Guddiga is dhaxgaalka iyo mideynta kenyanka loo soo gaabiyo NCIC ayaa ku baaqay  in wax laga baddalo sharciga ka hor doroshada guud 2022-ka  si madaxda jeediyaan hadalada kicinta ah looga mamnuuco in ay uu tartamaan kuraasta kala duwaan ee siyaasadeed .

Mid ka mid ah guddoomiyayaasha guddiga NCIC  Wambui Nyutu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegtay in guddiga NCIC uu si dhow ula shaqeynaya  wakalaadaha kala duwan ee dowladda oo guddiga doroshooyinka  IEBC uu ka mid yahay si turxaan bixin adag loogu sameeyo  siyaasinta uu tartamayaan kuraasta kala duwan siyaasadeed .

Ms Wambui Nyutu ayaa sida oo kale sheegtay in siyaasinta qaarkood  ay jeediyaan hadalo kicin ah oo ay ku kala qeybinayaan kenyanka .

Qorshaha uu soo jeediyey guddiga NCIC  ayaa lagu wadaa in  ay ka soo horjeestaan siyaasinta qaarkooda  oo lagu haysto jeedinta hadalada kicinta .

Ms Wambui Nyutu  oo ka  tirsan guddiga NCIC  ayaa dhanka kale ugu baaqday hoggamiyayaasha xisbiyada  in ay ku dhiirigeliyaan xubnahooda in ay taageeraan dib uu habeynta sharciga lagu sameynaya .

Tan ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay xildhibaanada kala ah  Osca Sudi iyo Johana Ngeno la xiray kadib markii ay hadalo kicin ah ay jeediyeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *