Dowladda Shinaha oo ka hadashay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang

Dowladad  Shiinaha ayaa marka kale  waxay difaacday  siyaasadeed kuadan  muranka badan dhalisay ee ku aadan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang, maalmo uun kaddib markii dowladda Mareykanka ay mamnuucday in dalkeeda la soo geliyo badeecadaha ka imaanaya gobolkaasi.

Dowladda Shinaha ayaa xeryo dhawr ah oo lagu hayo dadka Muslimiinta ahi ee laga tirada badan yahay ee gobolkaasi kala kulantay cambaareyn caalami ah.

Tani ayaa ku aadeeysa iyadoo dowladda  mareykanka  uu   xeryahani ku tilmaamay kuwo lagu dhaqan doorinayo isla markaana lagu ciqaabayo dadyowga Muslimiinta ahi ee deggan gobolkaasi Xinjiang.

Toddobaadkan uu Mareykanku xannibay qaar ka mid ah badeecadaha laga soo dhoofiyo gobolkaasi Xingjiang, kuwaa oo uu sheegtay in sameeyeen dad la adoonsado oo lagu shaqeysto.

Warbixinta Shiinaha ayaa lagu sheegay in “tababarrada xirfadeed” ee lagu bixiyo gobolkaasi ay soo kordhiyeen fursado shaqo isla markaana wax weyn ka tareen la dagaallanka saboolnimada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *