Raysul wasaaraha Cusub Soomaliya oo afka Furtay

Sii hayaha ra’iuslwasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa markii ugu horeysay  uu   hambalyeeyay ra’isulwasaaraha cusub Soomaliya   mudane Maxamed Xuseen Rooble ee uu xalay magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa mudane  Maxamed Xuseen Rooble oo madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilka Ra’iisulwasaaraha  dalka. Waxaan u rajeynayaa guul iyo in uu Eebbe la garab galo mas’uuliyadda Qaran ee loo  igmaday.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed qadar sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa alle uga baryay inuu ufududeeyo xilka iyo howsha culus ee loo ekmaday.

Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *