Man United oo qaarka uu saaran soo afjaaridda saxiixa xiddiga Alex Telles

Tababaraha Man United ee Ole Gunner ayaa  mar kale   ku  rajo weyn in maalmaha soo socda uu soo afjaro saxiixa  xiddiga garabka bidix  uga ciyaara kooxda FC Porto ee Alex Telles

Qiimaha 27 sano jirkaan reer Brazil ayaa gaaraya 18 milyan oo gini waxa ayna United haatan wadahadallo wax ku ool ah kula jirtaa wakiilka laacibka iyo Telles  si hishiiskiisa u soo afjaraan dhawaan

Wakiilka Telles oo u waramayay wargeyska  A Bola dalka Portugal ayaa hoosta ka xariiqay in laacibka uu u dhaw yahay in uu ku biiro United ayna haatan sugayaan in dalab rasmi ah ay la yimaadaan kooxdaas ka dhisan qalcadda Old Tarfford.

United oo muuqata in dagaalka Sergio Reguilion looga guuleystay una dhaw yahay Tottenham ayaa haatan Telles u aragta badalkiisa ay ku xoojin karto garabka bidix

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *