Safaaradda Mareykanka nairobi oo maaskarada Wajiga iyo Sanka ka qeybisay deegaanka Mandera

Safaaradda  Mareyanka ee magaalada tan nairobi  ayaa waxay 36,000 oo maaskarada wajiga iyo sanka lagu xirto  ku deeqday dowladda countiga  Mandera .

Wakiilka safaaradda Mareykanka  Mohammed Salah ayaa  sheegay in safaaradda Mareykanka  ay maaskaradaasi  lagu xirto wajiga iyo sanka  ku wareejisay dowladda countigaasi Mandera.

Wakiilka safaaradda Mareykanka  Mohammed Salah  ayaa carabka ku dhuftay in safaaradda Mareykanka dalkani Kenya ay ka  go’aan tahay ka hortagga infekshannada cusub gaar ahaan meelaha khatarta badan leh.

Dhanka kale guddomiyaha amaanka countiga Mandera  Onesmus Kyatha ayaa sheegay in  qaar ka mid ah  xubnaha shacabka deegaankaasi ay ku adkaatay in ay iibsadaan maaskarada Wajiga iyo sanka lagu xirto madaam ay sabool yihin .

Guddomiyaha amaanka countiga Mandera  Onesmus Kyatha ayaa carabka ku dhuftay  in deeqdani ay bixisay safaaraddani Mareykanka ay kaalin weyn ka qaadaan doonto xakameynta faafitaanka cudurka corona . 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *