Maalinta Badbaadada Bukaanka oo caalamka laga xusay

Waxaa manta caalamka laga xusaya Maalinta Badbaadada Bukaanka Adduunka.

Tani waa maalin loo qoondeeyay  badbaadada bukaanka inay tahay mudnaanta caafimaadka adduunka iyada oo ujeedadu tahay kordhinta wacyiga bulshada iyo ka-qaybgalka, kor u qaadista fahamka caalamiga ah, dhiirrigelinta midnimada adduunka, iyo hormarinta  amniga bukaanka.

Xuuska maalintani ayaa ku soo beegantay  iyadoo  uu caalamka ka jiro  cudurka corona oo sameeyey qeybaha kala duwan ee noolasha  halka shaqaalaha caafimaadka ay qaarka uu fuulaan in uu saameeyo cudurkani COVID 19-ka .Mawduuca sannadkan waa Badbaadada Shaqaalaha Caafimaadka: Mudnaanta Badbaadada Bukaanka.

Dhammaan 194-kii waddan ee xubnaha ka ahaa Ururka Caafimaadka Adduunka bishii Maajo 2019, waxay taageereen aasaasidda Maalinta Badbaadada Bukaanka Adduunka oo la qabanaya  17-ka Sebtember sannad kasta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *