Shan Macalin Dugsi Quraan oo lagu dilay Degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Degmada  Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa  wararka ka soo baxaya waxay sheegayaan in  in koox  hubeysan ay Shan Macalin Dugsi Quraan ku dileen Tuulada Burdheera ama Koogaar oo qiyaastii 50km u jirta degmadaas.

Kooxdani  hubeysnaa ayaa rasaas ku furay Macalimiinta oo xiligaas ku jiray Subac ama Quraan akhris aroornimadii hore ee saaka, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Macalimiinta ay Salaada subax kahor bilaabay Subaca, salaada ka dibna markale oo ay u laabteen Subaca, hayeeshee ay la kulmeen weerarkaan ay ku dhinteen qaar kamid ah Macalimiinta Subaca ku jiray.

Macalimiinta weerarkaasi lagu dilay ee Magacyadooda la helay ayaa waxaa ay kala yihiin.

1. Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere2. Macalin Maxamuud Canbuure
3. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
4. Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi
5. Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *