Gareth Bale oo kusoo laabtay Tottenham.

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa  daboolka ka qaadaya xog cusub oo ku aadan mustabqalka Gareth Bale kaasi oo lala xariirinayo in xagaagaan uu baxayo waliba midkood uu aadi doono kooxaha Tottenham iyo Man United.

Gareth Bale ayaa Real u wareegay xagaagii 2012-ka waqtigaas oo 100 milyan oo euro  uu uga wareegay Tottenham  balse 7 sano ka dib laacibkaas waxa uu ku dhibaatoonayaa Real xilli macalin Zidane uu ka saaray qorshayaashiisa.

Xilli United-na lala xariirinayo waxa ay haatan warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in Bale uu u dhaw yahay in uu dib ugu laabto Tottenham waliba warar qaar waxa ay sheegayaan in amaah hal xilli ciyaareed ah uu dhameystiray
Sida wargeyska AS uu soo xiganayo Real iyo Tottenham waa ka hishiiyeen arinta laacibka balse kaliya waxaa harsan oo weli laga xaajoonayaa dhnaka lacagta
Wargeyskaas waxa uu sheegayaa in Gareth Bale  dhab ahaan uu tijaabada caafimaad uu u maray Tottenham waliba looga qaaday Spain
War kale oo ay Sky Sport iyana baahisay waxaa lagu sheegay in Bale kaliya uu haatan sugayo ogalaashaha  Real si uu ugu safro London una saxiixo hishiiska uu Tottenham ugu soo wareegayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *