Reguilon oo ku biray Tottenham.

Reguilon ayaa ku dhaw in uu toos ug biiro Tottenham waxaana la xusayaa in laacibkaan Real Madrid uu haatan ku sugan yahay xerada tababarka kooxdaas White Hart Lane ka dhisan

Garabkaas bidix ayaa la xaqiijiyay in arbacadii uu tagay Tottenham  maanta ayaa la filayaa in tijaabada caafimaadka uu maro , waxaana loo badinayaa in Tottenam hishiiska laacibkaas ku dhawaaqi doonaan ka hor kulanka caawa ee Europe League ee ay la ciyaarayaan kooxda reer Bulgaria ee Lokomotiv Plovdiv

Waxaa loo badinayaa in Tottenham ay soo xero gilinta Sergio Reguilon uga baxday aduun dhan 25 milya oo euro xilli ay jirayaan qodobo ku jiraya  hishiiska laacibka
Real Madrid waxa ay hishiiska laacibkaas ku dareysaa qodob ah in ay dib ula wareegi karaan  23 sano jirkaas waliba qiimo dhan 36 milyan oo euro mudd laba sano gudahood ah .
Haddii hishiiska uu dhamaado maanta , Reguilion waxaa loo badinayaa in uu ciyaaro doono kulanka horyaalka Ingiriiska ee ay Tottenham la ciyaareyso Southampton

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *