Wakiilka dumarka countiga Samburu Maison Leshomo oo ka hadashay amni darada baragoi

Wakiilka dumarka  countiga Samburu Maison Leshomo  ayaa baaq xoogan uu dirtay dowladda dhexe ee dalka

Wakiilka dumarka  countiga Samburu Maison Leshomo ayaa ugu baaqeysa dowladda in ay howlgal ballaraan  oo amaanka lagu sugaya ay ka  fuliso  deegaanka  Baragoi .

Ms  Maison Leshomo oo warbaahinta kula hadashay magaalada Mararal  ayaa sheegtay in  deegaanka Baragoi ay ku sugan yihin kooxo dabeyl ah oo dhibaateynayaan  xubnaha shacabka ee aan waxbo galabsanin .

Ms  Maison Leshomo  ayaa carabka ku adkeysay in loogu bahan yahay dowladda in ay howgal ballaraan oo loogu soo saaraya kooxahani  dableyda ah ay ka fuliso deegaanka Baragoi .

Baaqa ay jeedisay haaweyneydani ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkani gudahiisa  haaweyney 35 sano jir ah  lagu dilay gudaha magaalada Baragoi

Wakiilka dumarka  countiga Samburu Maison Leshomo  ayaa dhanka kale sheegtay in  kulamada nabadeed  ee ay qabtaan sarakiisha dowladda  iyo masuuliyinta Samburu iyo Turkana  aysan  mira dhalin .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *