Madaxweyne Uhuru kenyatta Oo Hambalyo Raysul Wasaaraha Cusub Japan
Madaxweynaha ee dalka uhuru kenyatta ayaa uu hambalyeeyey Mr Yoshihide Suga oo loo doortay reysul wasaaraha ee dalka Japan .
Mr Yoshihide Suga ayaa xilkaasi kala wareegaya reysul wasaarihi hore ee dalkaasi Japan Shinzo Abe kaasi oo xilkaasi ka dagay kadib markii dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah ay qabsatay .
Madaxweynaha ee dalka uhuru kenyatta ayaa sheegay in dowladdisu ay garab tagan tahay oo ay wax kasta la qaban doonto reysul wasaarasaha cusub ee dalka Japan Mr Yoshihide Suga .
Mr uhuru kenyatta ayaa sida oo kale sheegay in xukumaddiisu ay ka shaqeyn doonto xoojinta xiriirka kala dhaxeeyo dalka Japan iyo wadamada qaaradda Aasiya .
Dhanka kale Madaxweyne uhuru kenyatta ayaa ku tilmaamay hoggamiye dadaal badan reysul wasaarihi hore ee dalkaasi Japan Shinzo Abe.