Dowladda dhexe oo baaq uu dirtay Dhalinyarada ee dalka

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay maanta baaq xoogan ay uu dirtay dhalinyarada ku nool 17 ismaamul gudaha dalka .

Dowladda dhexe ee dalka ayaa ugu baaqeysa dhalinyaradani  ku nool 17-ka ismaamul in ay ka faaiideystaan  mashruuca  ay  fulineyso wasaaradda ICT-da , hal abuurka iyo arrimaha dhalinyarada .

Mashruucani oo ay  ku baxeyso lacag dhan 15 bilyaan ayaa loogu  talagalay in lagu abuuro  fursadooyin shaqo oo ay dhalinyarada ka faaiideysan doonan .

Xoghayaha maamulka wasaaradda ICT-da ,hal abuurka iyo arrimaha dhalinyarada Nadia Ahmed Abdalla  oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in  mashruuca fursadaha iyo shaqaaleysinta dhalinyarada dalka loo soo gaabiyo (KYEOP)  ay dowladda  ku  bartilmaamedsaneyso 50,000 oo dhalinyaro 

Mashruucani oo uu maalgelinaya bangiga aduunka ayaa lala bartilmaameedsanaya dhalinyarada da’doodu  ka dhaxeyso 18 sano ilaa 29 sano  oo ku kala sugan countiyada kala  ah  Mombasa, Kitui, Nakuru, Kisumu, Kisii  iyo countiyada kale .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *