Shirka wadatashiga arrimaha doroshooyinka oo Soomaliya ka bilowday Mar kale

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale waxaa dib uu furmay  shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Shirkani ayaa dirradda lagu saaraya hannaanka doorashada, kadib saacado oo uu hakad ku jiray.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa Madaxda kala duwan ee shirka ka qeyb-galeysa waxaa ay ku jireen fasax si ay la tashiyo ula soo sameeyeen dhinacyada kale,balse dib la isugu soo laabtay si looga doodo arrimaha doorashada.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sehegayaan in Shirka oo xalay dib u bilaawday ay ku biireen guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyada ay ku adkeysanayaan qodobada qaar ee doorashada sida in la sameeyo Guddi doorasho oo ah heer federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, in degaannada doorashada ka dhaceyso ka badan 2 xarumood, in aan doorashada lagu gelin xisbiyo iyo in Ergooyinka aysan ka badan 101 illaa 150 ergo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *