Dalka Japan oo yeelatay Raisal Wasaare cusub.

Baarlamaanka dalka Japan  ayaa maanta codka kalsoonida siiyey raysal wasaaraha ay dhawaan soo magacaabeen Xisbiga talada haya ee dalka Japan ee LDP,

Raysal wasaarahani cusub ayaa  wuxuu baddalaya  raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Mr.Shinzo Abe.

Yoshihide Suga oo noqonaya raysal wasaaraha cusub  ee dalka Japan ayaa helay 314 cod, oo ka dhigan tirada guud ee xildhibaannada 465 xildhibaan.

 

Mr. Suga ayaa ah 71 sano jir , waxa uuna sii hayn doonaa xilka raysal wasaarenimo ee dalkaasi ilaa bisha September ee sanadka soo aadan, xilligaas oo dalku geli doono guud ahaan doorasho rasmi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *