Wararkii ugu dambeeyay ee cudurka covid-19 gudaha dalka Kenya

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay sheegtay  in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay  dad gaaraya 92 qof laga helay cudurka corona.

 Dowladda ayaa sheegtay  in dad gaaraya 2985 ay ka baartay cudurka corona  halka 92 qof oo dadkani ka mid ah laga helay  cudurka corona .

Tirada guud ee kiisaska cudurka corona gudaha ee dalka ayaa waxay gaareen 36, 393.

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka  Dr. Mercy Mwangangi oo kenyanka uu soo bandhigtay warbixinta Cudurka Corona  ayaa sheegtay in countiga Nairobi laga helay 25 kiis oo cudurka corona  halka countiga mombasa laga helay 20 kiis oo cudurka  corona .

 Dr. Mercy Mwangangi ayaa sida oo kale sheegtay in afar ka mid ah dadka laga helay cudurka corona ee maanta ay yihin dad ajaanibi ah halka kuwo kalana ay yihin kenyan.

 Dr. Mercy Mwangangi ayaa carabka ku dhufatay in 165 bukaan oo dheeraad ah ay ka soo caafimaadeen cudurka corona  halka  saddax bukaan oo dheeraad ah ay uu dhinteen cudurka corona .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *