Xildhibaan Oscar Sudi oo maxakamadda ku laabanaya Maanta

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Kapsaret Oscar Sudi  ayaa lagu wadaa in  sacadaha inagu soo adaan la soo tago  maxakamadda  Nakuru 

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Kapsaret Oscar Sudi   ayaa  lagu eedeyey jeedinta hadalo kicin ah , in uu weeraray sarkaal boolis ah  iyo in uu haystay hub sharci daro ah .

Xildhibaan Oscar Sudi ayaa ka soo hor muuqan doono  garsooraha maxakamadda nakuru josephat Kalu  sacadda marka ay tahay  2:30 oo duhurnimo 

Xildhibaan Oscar Sudi ayaa  ka doonaya in ay maxakamadda ay ku sii dayso daamin lacageed madaam labadii maalmood ee la soo dhaafay uu xirnaa  saldhiga booliska .

Dhanka kale dacwad oogayaasha ayaa waxay ka dalbanayaan maxakamadda in ay uu ogalaato in 14 maalmood oo dheeraad ah ay xabsiga ku sii hayaan  xildhibaan Oscar Sudi .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *