Imaamyada iyo macalimiinta Madarasooyinka Isiolo oo raashin gar gaar ah loo qeybiyey

Wararka ka soo baxaya deegaanka Isiolo ayaa waxay sheegayaan in deeq raashin loo  qeybiyey qaar ka mid ah  imaamyada iyo macalimiinta madarasooyinka  gudaha deegaankaasi.

Raashiinkani loo qeybiyey imaamyadani iyo macalimiintani madarasooyinka ayaa waxaa  bixiyey xubnaha shacabka  deegaankaasi .

Kadib markii dowladda dhexe ay ilaabada uu laabtay madarasooyinka  iyo masaajidyada  cabsi laga cabo cudurka corona awgiis ayaa qaar ka mid ah macalimiinta  madarasooyinka iyo imaamyada  waxaa soo food saartay dhibaatooyin xoogan Dhanka  noolasha .

Guddomiyaha golaha  ay ku mideysan yihin imaamyada iyo Waacidiinta gudha  countiga Isiolo Col.Hassan Bonaya ayaa sheegay in uruurkiisa oo kaashanayaan idaacadaha ku yeela halkaasi uu ku guuleystay in xubnaha shacabka ay ka aruuriyaan raashinkaasi gar gaarka ah oo markii danbe loo qeybiyey macalimiinta madarasooyinka  iyo imaamyada qaarkood .

Dhanka kale madaxda diimaha deegaanka Isiolo ayaa waxay ugu baaqeen dowladda  in ay qaadda ka saarto  xayiraayadaha sababay in  ilbaabada loo laabo madarasooyinka madaam kiisaska cudurka corona ay hoos uu sii  socdaan .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *