Heshiiska Chelsea ee Edouard Mendy oo joogsaday

Waxaa joogsaday Heshiskii  ay Chelsea ku doonaysay saxiixa Goolhayaha kooxda Rennes ee Edouard Mendy sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Goolhayaha Rennes ayaa la filayay in uu ku biiro kooxda cheslea si uu booska Goolhayaha 1-aad uga badalo Goolhayaha cadaadisku saaranyahay ee Kepa Arrizabalaga.

Laakiin Rennes ayaa u muuqata in ay doonayaan in heshiiska lagu daro xiddig chelsea ah kaas oo ah daafaca da’yarka ah ee Fikayo Tomori.

Wargsyska Telefoot ayaa sheegaya in ay kooxda reer France doonayso saxiixa daafaca da’yarka ah in lagu daro heshiiska hadii ay Blue doonayso saxiixa Mendy.

Si kasta ha ahaatee ma kala cada in ay Kooxda Rennes si toos ah u doonayso xiddiga Tomoru ama in ay ku doonayso heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Goolhaye Mendy oo 28 jir ah ayaa la filayay in uu u soo duulo London laakiin arintaas ayaa haatan la hakiyay ilaa inta ay kooxdiisu ogolaansho u siinayso in uu u duulo London.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *