Waaxda DCI-da oo gacanta ku dhigeen nin iska dhigayey qareen

Sarakiisha waaxda  danbi baarista ee dalka DCI-da ayaa waxay xabsiga dhigeen  nin lagu eedeyey  in uu iska dhigayey qareen .

Sarakiisha DCI-da ayaa waxay magaca edeysanahani ay ku sheegeen Ethan Kamau Njagi

Edeysane Ethan Kamau Njagi ayaa lagu eedeyey in uu bixiyey  amarro been abuur ah oo uu ku sheegayo inay yihin  amarro dhab ah  oo ay soo saareen  maxkamadaha Kiambu iyo Nairobi.

Sarakiisha DCI-da ayaa edeysane Ethan Kamau Njagi waxay  saakeyto ay ka soo o qabteen  degmada Kahawa   countiga Nairobi .

Edeysanahani ayaa sida oo kale la sheegay in uu lacago si sharci daro ah  ugu qaadanayey xubnaha shacabka

Sarakiisha DCI-da ayaa waxay sheegeen in ay sida oo kale gacanta ay ku soo dhigeen dokumentiyo  kala duwaan oo ay ka soo aruuriyeen hoyga edeysanahani uu degnaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *