Dowladda Israa’iil oo heshiis taariikhi ah la saxiixatay waddamada Carabta ee kala ah Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn.

Dowladda Israa’iil ayaa heshiis taariikhi ah  waxay la  saxiixatay waddamada Carabta ee kala ah Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn.

Heshiiskan waxaa dhexdhexaadintiisa waxaa ka danbeeyey  madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku dhowaaqay labada heshiis muddo bil ah gudaheed.

Waddamada Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa noqonaya labadii waddan ee ugu horreeyey ee heshiis nabadeed la gaara Israa’iil muddo tobannaan sano ah. Waxaa horey heshiis uu u dhexyaallay waddamada Israa’iil iyo Masar oo heshiis gaaray sannadkii 1979-kii, halka waddamada Israa’iil iyo Urdun ay iyaguna heshiis gaareen sannadkii 1994-kii.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in shan ama lix waddan oo kale ay doonayaan inay heshiis nabadeed la gaaraan Israa’iil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *