Manchester City oo dalab ka gudbisay xiddiga Kylian Mbappe.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay mudnaanteeda koowaad ee suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaaga soo socda siiso weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Todobaadyadii dhowaa kooxda Manchester City ayaa la hadal hayey inay isku diyaarinayso inay heshiis lacag badan ku kacaya ku soo qaadanayso laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, laakiin xiddiga reer Argentine ayaa go’aansaday inuu sii joogo garoonka Camp Nou.

Inkastoo 33-sano jirkaan uu noqon doono mid beeca xorta ah lagu heli karo sanadka 2021-ka, haddana Man City ayaa isku diyaarinaysa inay diiraddeeda u weeciso weeraryahan kale.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in Kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ay u isticmaali karto lacagtii markii hore loo qoondeeyay heshiiska Messi si ay u soo xero geliso ku guuleystaha Koobka Adduunka ee Mbappe.

Wax ka yar labo sanadood ayaa kaga harsan heshiiskiisa haatan, waxaana la sheegay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska uu doonayo inuu ka tago garoonka Parc des Princes sanadka soo socda.

Liverpool, Manchester United iyo Real Madrid ayaa sidoo kale la la xiriiriyaa oo xiisaynaya saxiixa 21-sano jirkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *