Dowladda oo ka hadashay Wax soo saarka Kalluunka

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay sheegtay in ay bartilmaameedsaneysa in  ay kordhiso Wax soo saarka kalluunka gudaha ee dalka .

Dowladda ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso in ay soo saarto ku dhawaad 100,000 metric tonnes sannadka soo socda oo kallun ah 

Tani waxay daba socotaa taageero maaliyadeed oo dhan 15 bilyan oo shilin oo ka timid Sanduuqa Horumarinta Beeraha (IFAD)  islamarkaasina   loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo wax soo saarka ganacsiga kalluunka .

Xoghayaha joogtada  Waaxda dowladda ee   Kaluumeysiga  iyo dhaqaalaha buluuga  Prof Micheni Ntiba oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Kisumu ayaa sheegay in dowladda ay ka go’aan tahay sar uu qaadiida wax soo saarka Kalluunka  si shaqooyin badan loo abuuro .

Prof Micheni Ntiba  ayaa sida oo kale sheegay in dowladda ay xarun weyn ka dhisi doonto gudaha countiga Kwale si sara loogu qaado wax soo saarka kalluunka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *