Mashruuc dhanka biyaha oo laga hirgelinaya ismaamulka Taita Taveta

Dowladda countiga Taita Taveta ayaa waxay xariga ay ka jaartay mashruuc dhanka biyaha oo ay ku baxeyso lacag dhan 88.6 milyaan oo shilin .

Mashruucani biyaha ayaa waxaa ka faaideysan doonan ku dhawaad 15,000 oo qof  oo ku nool degmooyinka ku yeela sab countiga Mwatate.

Mashruucani oo loogu magac daray Nyangoro-Mwakitau Water Supply Project ayaa hirgelintiisa waxaa iska kaashanaya sanduuqa waaxda biyaha loo soo gaabiyo WSTF iyo dowladda countigaasi .

Mashruucani  biyaha marka la dhameystiro ayaa waxaa  soo afjaarmi doonto biya la’aanta ka jirta degmooyinka kala ah  Mwashoti, Mwambota, Mwakitau, Godoma iyo Kwa Mnengwa.

Gavanaha countiga Taita Taveta  Granton Samboja oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in biya  la’aanta ka jirta degmooyinka qaarkood ee countigaasi laga bixi doono .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *