Kenya oo tobon qof ay ugu dhinteen cudurka corona

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay sheegtay in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay  bukaano  tiradoodu ay gaareyso 10 ay uu dhinteen  cudurka corona  taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 634.

Dowladda ayaa sida oo kale waxay sheegtay  in  dad gaaraya 96 qof ee  laga helay cudurka corona  ee 24-kii sacadood ee la soo dhaafay  taasi oo tirada guud ee kiisaska Cudurka Corona ka dhigeysa 36,301.

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka  Dr. Mercy Mwangangi oo kenyanka uu soo bandhigtay warbixinta maalin laha ee cudurka corona  ayaa sheegtay in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay ay dad gaaraya 3270  ka baartay cudurka corona halka 96 ka mid ah dadkani laga helay cudurka corona .

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka  Dr. Mercy Mwangangi aya sheegtay in bukaanka ugu yar uu jiro 5 sano halka bukaanka ugu weyn uu jiro 81 sano.

Dr. Mercy Mwangangi  ayaa carabka ku dhufatay in 121 bukaan oo dheeraad ah ay ka soo caafimaadeen cudurka corona  taasi oo tirada guud ee bukaanada ka soo boogsadeen COVID 19 ka dhigeysa 23,364.

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka  Dr. Mercy Mwangangi  aya dhanka kale sheegtay in wasaaradda caafimaadka  iyo Hey’adda Madaxweynaha ee  Qorshihiisa Degdega ah ee Gargaarka AIDS-ka ay  cudurka Cagaarshowga nooca  B ka talaali doonan ku dhawaad 300 oo shaqaale caafimaad ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *