Qasaaro xoogan oo ka dhashay Wabiga Shabeele

Wararka ka soo baxaya gudaha ee dalka Soomaliya ayaa waxay sheegayaan in uu sii kordhaya  qasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay wabiga Shabeelle oo ku fatahay ilaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe,

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow   ayaa sheegay  in  fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa,ayag oo hadda u baahan kaalmo.

Dhul beereedyo badan oo ay ka baxayeen dalagyada sida Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda wabiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan.

Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, sida maamulka gobolku sheegay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *