Barasbka Garissa Ali korane oo laga mamnuucay in uu xafiiska dib ugu labto

Gavanaha  countiga garissa Ali Korane ayaa manta la soo taagay maxakamadda milimani ee magaalada tan nairobi  kadib markii lagu eedeyey in uu musuqa maasuqa 233 milyaan oo shilin .

Gavanaha  countiga garissa Ali Korane iyo afar ka mid ah shaqaalaha countigaasi garissa ayaa waxay ka soo hor muuqdeen  garsooraha maxakamadda la dagaalanka musuqa maasuqa Douglas Ogoti.

Gavana  Korane iyo edeysanayaasha kala ah Ibrahim Malow Nur, Mohamed Ahmed Abdullahi, Abdi Shale,  iyo Ahmed Abdullahi Aden ayaa la sheegay in ay musuqa maasuqeen lacagtani 233 milyaan oo shilin oo bangiga addunka uu ku deeqay countigaasi

Lacagtaasi ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo  suuqa Qorahey iyo dib u haqijiinta bilicda Magaalada Garissa Township CBD, dhismaaha biyo maarenka iyo wadooyinka kauntiigaasi.

 Edeeysanayaashani ayaa lagu edeeyey in ay masuq masuqeen lacagtani intii uu dhaxeysay  bilaha February iyo Septemberee  sanadkii taagay ee 2019-ka.

Garsooraha maxakamadda Milimani  Douglas Ogoti ayaa  damiin lacageed oo dhan 3.2 milyaan oo shilin ku sii daayey gavanaha countiga garissa Ali Korane

Garsooraha maxakamadda Milimani  Douglas Ogoti ayaa sida oo kale ka mamnuucay gavana Korane in uu dib ugu laabto xafiiskiisa.

Edeysanayaasha kale ee kala  Ibrahim Malow Nur, Mohamed Ahmed Abdullahi, Abdi Shale,  iyo Ahmed Abdullahi Aden ayaa lagu sii daayey daamin lacageed oo dhan 1.2 milyaan oo shilin midkiiba ,waxaana laga mamnuucay in ay xaafisyadooda ay dib ugu labtaan

Dhamaan edeysanayasahani ayaa lagu amray in ay  baasabooradooda ay ku wareejiyaan maxakamadda

Kiiskani ayaa waxaa dib mar kale loo dhageysan doona taarikhda marka ay tahay 23 bisha October ee sanadkani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *