Madaxweyne Trump oo ka hadlay dabka ka kacay gobolada California, Oregon iyo Washington

Madaxweynaha dalka Mareynka Donald  Trump  ayaa  markii ugu horeysay daaqadda ka saaray  walaaca laga muujiyay dhibaatada isbedelka cimilada.

Madaxweynaha dalka Mareynka Donald  Trump  ayaa hadalkani jeediyey kadib markii uu boqday  goobaha dabka uu ka hurayo ee gobolka California.

Dabka ka kacay gobolada California, Oregon iyo Washington ayaa  bur bur xoogan gaarsiyey  dhul badan sida dowladda dalkaasi ay sheegtay .

Dadka ka faalooda  siyaasadda Trump ayaa sheegay in sababta dabka soo cel celisay ay tahay maamul xumo dhanka keymaha ah.

Isniintii, musharaxa xisbiga demoqraadiga Joe Biden ayaa madaxweyne Trump ku sifeeyay ” uga sii daraha isbedelka cimilada”.

Gobolka California ayaa ah halka uu sida weyn u saameeyay dabka iyadoo 25 ruux ugu geeriyoodeen dabkaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *