Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin oo afka furtay

Xukumadda  Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in wadanka Belarus ay deemisay lacag gaaraysa $1.5 bilyan taas oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka uu wajahayo wadankaasi.

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin  oo warbaahinta la hadlay ayaa carabka ku dhuftay in Isniintii kulan toos ah ay wada qaateen isaga iyo dhigiisa hogaamiyaha wadanka Belarus Alexander Lukashenko.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Mr Lukashenko ay kawada hadleen sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka soconaya wadankiisa.

Tan iyo horaantii bishii hore wadanka Belarus waxaa ka soconaya dibad baxyo xoogan oo ay dadku uga soo hor jeedaan madaxwaynaha wadankaasi oo lagu eedeeyay in uu ku shubtay doorasho dhacday 9’kii bishii August

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *