Manchester United oo raadineysa Jadon Sancho

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la  soo sheegaya  in ay go’aansatay u dhaqaaqista soo xero gelinta xiddig ka tirsan naadiga Bayern Munich, haddii ay ku guuldarreystaan saxiixa Jadon Sancho oo ay si weyn u doonayso.

Kooxda Red Devils  ayaa  la soo sheegayaa inay xiiseynayso oo ay taageero u tahay xiddiga reer Croatia ee Ivan Perisic.

Manchester United ayaa muujinaysa xiisaha ay u qabto weeraryahanka Inter Milan ee Ivan Perisic, iyagoo raadinaya inay helaan bedel Jadon Sancho, sida ay daabacday Jariiradda Telegraph.

Red Devils ayaa sida warbixinta lagu sheegay luminaysa rajadii ay ka lahayd inay heshiis la gaarto kooxda Dortmund, kaasoo ku aaddan saxiixa Sancho, waxayna haatan raadinayaan fursado kale.

Perisic ayaa noqday magac cusub ee ay Man United ka fiirsanayso inay la soo wareegto haddii ay ku hungoobaan saxiixa Jadon Sancho, iyadoo xiddiga reer Croatia uu xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay Kooxda Bayern Munich ee ka dhisan Waddanka Jarmalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *