Culumada Soomaliyeed oo ka hadleen falalka kufsiga ah ee ka dhaca muqdhiso

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay wuxuu walaac ka muujiyey  falalka kufsiga ah oo maalmihi lasoo dhaafay kusoo batay qaar ka  mid ah gobolada dalka , waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya laga doonaayo baaritaano.

Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa  carabka ku dhuftay in falalkaasi naxdinta leh ay ka dambeeyaan gacmo ka baxsan Soomaaliya, islamarkaana Hay’addaha baarista laga codsanaayo in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan  ayaa sida oo kale sheegay in  dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed iyo diinta islaamka ay kasoo horjeedaan falalkaan, islamarkaana ay dhacdooyinka la kufsanaayo carruurta yar yar ay yihiin kuwo ku cusub Soomaaliya.

Sheekh ayaa tilmaamay haddii aan tilaabo laga qaadin kuwa ka dambeeya falkaasi in dhibaatooyin hor leh ay ka dhalaan karaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu daba taagan yihiin kiiska kufsiga iyo dilkii waxashnimada ee Muqdisho loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, islamarkaana ay warbixin ka sugayan hay’addaha Ammaanka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *