48 xaaladood oo coronavirus oo laga xaqiijiyay gudaha dalka Kenya.

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay sheegtay in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay dadka gaaraya 48 qof ee laga helay cudurka corona

Dowladda ayaa sheegtay in tirada guud ee kiisaska cudurka corona ay gaareen 36,205.

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mercy Mwangangi oo warbixinta maalin laha cudurka corona uu soo bandhigtay kenyanka ayaa sheegtay in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay dadka gaaraya 1,081 laga baaray cudurka corona  halka 48 ka mid ah dadkani laga helay cudurka corona.

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mercy Mwangangi ayaa sida oo kale sheegtay in 31 ka mid ah bukaanadani cusub ay rag yihin halka 17 ay  yihin dumar .

Bukaanka ugu yar ayaa wuxuu jira 12 sano halka bukaanka ugu weyn uu jiro 75 sano .

Countiga mombasa ayaa hoggaminaya kiisaska cudurka corona iyadoo 24-kii sacadood ee laga helay 20 kiis  halka countiga Nairobi laga helay 15 kiis oo cudurka corona .

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mercy Mwangangi ayaa dhanka kale sheegtay in 176 bukaan ay ka soo boogsadeen cudurka corona  taasi oo tirada guud ee bukaanada ka boogsadeen cudurka corona ka dhigeysa 23,243.

Labo bukaan oo dheeraad ah ayaa uu dhinteen cudurka corona taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 624,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *