Kooxda Arsenal oo dalab ka gudbisay Odsonne Edouard.

Kooxda Arsenal ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa weeraryahanka kooxda Celtic Odsonne Edouard.

Gunners ayaa rajeyneysa inay xaqiijiso saxiixa xiddiga reer France ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Ian McGarry, Arsenal ayaa doonaysa in ay marto wadadii ay kula soo saxiixatay xiddiga Kieran Tierney.

 Kooxda Arsenal ayaa markii hore laga soo diiday dalab 15 milyan ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Odsonne Edouard laakiin Gunners ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *