Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay lacagta cusub ee Itoobiya
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda itoobiya ay sameysaneyso lacag cusub oo Itoobiya ay sameyneyso.
Raisul wasare Abiy Axmed ayaa faarintiisa ku sheegay in lagacta cusub looga baaqsan doono howlaha sharci-darrada ah iyo musuq maasuq uu sheegay in hadda uu ka jiro Itoobiya.
Naqshadda cusub ee lacagaha ayaa kala ah, 10, 50 iyo 100 Birr, waxaana sidoo kale lasoo saari doonaa baal-weynta 200 oo cusub.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo bandhigay lacagaha cusub ee Itoobiya ay sameysaneyso.
Abiy Axmed waxa uu sheegay in la adkeeyay ammaanka lacagtan si loola dagaallamo in lasoo saaro kuwo kale oo been abuur ah.