Chalsea oo la ciyaareysa Brighton

Naadiga  chelsea ayaa  lagu wadaa in  caawa  uu kulan adag la galo  kooxda Brighton  kaasi oo ka tirsan  todobaadkii ugu horeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Chelsea  ayaa marti u noqon doonta kooxda Brighto kulan ka dhici doona garooka Flamer Staduim iyaga oo isha ku haya in ay guul ku bilowdaan xilli ciyaareedka cusub.

Frank Lamprd oo suuqa kala iibsiga si xoogan u galay xagaagan ayaa la filayaa in uu caawa soo bandhigo inta badan hubkii uu u keenay in uu ku dagaal tago xilli ciyaareedkan.

 Chelsea oo ah kooxda ugu saxiixyada badan adduunka suuqa kala iibsiga ayaa la filayaa in ay inta badan xiddigaha u soo wareegay taam u ahaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *