Xukumadda Giriiga oo ka hadashay markab laga leeyahay dalka Turkiga

Xukumadda  Giriiga ayaa mar  kale waxay daboolka ay ka qaaday  in ay soo dhaweenayso in   uu  dib u laabto markab laga leeyahay dalka Turkiga oo toddobaadyadii la soo dhaafay  shidaal baaris ka waday biyaha bariga badda mediterranean’ka oo ay labada dhinac mudo ku muran sanaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Giriiga oo warbaahinta lahadalayay ayaa  sheegay in uu si buuxda  uu soo dhaweeynaya  talaabada uu dib ugu laabtay markabkaasi, isagoona ku tilmaamay in ay tahay talaabo wanaagsan oo  loo qaaday dhanka nabadda. Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Turkiga ayaa dhankiisa sheegay in talaabada ay markabkooda ula soo noqdeen aysan ka dhigneen in ay is dhiibeen oo ay ka tanaasuleen xaqooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *