Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo ka hadashay qiimaha Gareth Bale.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa  kooxda Manchester United  uu sheegtay  qiimaha ay ku heli karto xiddiga ay doonayaan saxiixiisa ee Gareth Bale.

Kooxda  Old Trafford ay doonayso saxiixa Gareth Bale kaddib markii ay ku wareertay heshiiskiis ay ku doonaysay Jadon Sancho.

Haddaba sida ay warinayso Jariiradda Mundo Deportivo haddii ay Manchester United doonayso saxiixa Gareth Bale oo ay rabaan inay kala soo wareegaan Kooxda Real Madrid waa inay kaliya bixiyaan lacag lagu qiyaasay 20 milyan oo euro o u dhiganta 18.5 milyan oo gini ama 23.5 milyan oo dollar.

Red Devils ayaa lagu soo warramayaa inay qarka u saaran tahay inay ka quusato saxiixa Jadon Sancho oo ka tirsan Dortmund, waxaana taa bedelkeeda ay u weecanayaan doonistooda ciyaaryahanka reer Wales ee Gareth Bale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *