Xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo aad loo doonayo

Xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa ah da’yarka loogu doonista badan yahay suuqa kala iibsiga suuqa xagaagan, iyadoo Manchester United ay tahay kooxda sida ugu badan loola xiriirinaayo.

Man United ayaa lagu soo warramayaa inay Sancho u bandhigtay qandaraas cajiib ah, waxaana sidoo kale ay miiska u saareen xirashada lambarka toddobaad (7), oo hore ay usoo xirteen Cristiano Ronaldo iyo Eric Cantona.

Si kastaba ha ahaatee, ESPN ayaa hadda warrineysa in kooxda Bayern Munich ay dalab ka gudbisay  20-jirka garabka ka ciyaara ka hor inta uusan dunida ku faafin cudurka coronavirus.

Muruq weynta Jarmalka ayaa ugaarsi ugu jirta weeraryahan cusub, waxaana bartilmaameedkooda koowaad uu yahay Leroy Sane.

Balse Manchester City ayaa ku fara adeegeysa Sane, sidaas darteed Bayern Munich ayaa baadi goob u galeysa xiddig u qalma garabka Jarmalka.

a.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *