Qarax ka dhacay gobolka Bay Soomaliya

Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan inĀ  manta halkaasi uu ka dhacay Qarax Khasaare geystay

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday sida wararku ay sheegayaan ee gGudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Diinsoor.

Sidda ay sheegayaan goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel u dhow guriga Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarliin Haaji Buille , waxaana Wararka Qaar ay sheegayaan in ay ku geeriyootay.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Saddex ruux oo la sheegay in ay ahaayeen Caruur la socotay Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Diinsoor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *