Madaxda deegaanka Meru oo ka soo horjeesteen xil ka qaadistii Prof Kithure Kindiki .

Qaar ka mid ah hoggamiyayaasha ka soo jeedaan deegaanka Meru ayaa waxay cambaareyeen xil ka qaadistii  lagu sameeyey senetarka countiga Tharaka-Nithi Kithure Kindiki .

Xubnaha senetarada ee dalka ayaa waxay maalintii shaleyto  xilka ku xigeenka afhayeenka aqalka senedka  waxay ka qaadeen senetarka countiga Tharaka-Nithi Kithure Kindiki .

Xildhibaano ka kala soo jeedaan deegaanada  Meru, Embu  iyo Tharaka-Nithi ay si kulul uu cambaareeyeen xil ka qaadistii lagu sameeyey senetarka countiga Tharaka-Nithi Kithure Kindiki ,Waxayna ku eedeyeen hoggaanka xisbiga Jubilee  in ay gacan bidixeynayaan gobolka bari ee Mt Kenya .

Xildhibaanadani ayaa kala ah  Mr Josphat Gichunge (Tigania East), John Mutunga (Tigania West), Mugambi Rindikiri (Buuri), Moses Kirima (Imenti Central), Gitonga Murugara (Tharaka), Patrick Munene (Chuka-Igambang’ombe),iyo wakiilka dumarka ee countiga Tharaka-Nithi Woman  Beatrice Nkatha waxay sheegeen in ay taagersan yihin Kithure Kindiki .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *