Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda Ciida maanta

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa   mar kale hambalyo ku aadan munaasabadda Ciida u diray dhamaan umadaha Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa carabka klu adkeeyey in maanta  ciidan ay ku soo aaday xilli dunida dhan ay la daalaa dhaceyso cudurka Coronavirus, si gaar ahna Soomaaliya uu aad ugu sii faafayo, kaas oo sida uu xusay Ra’iisul wasaaruhu mudan in la xasuusnaado lagana diktoonaado.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn ugu mahad celiyay dhamaan dadka ka qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah COVID-19, isaga oo kula dardaarmay inay dhameystiraan inta uga dhimaan la dagaalanka cudurkaas.

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku dhaqmaan talooyinka ka imaanaya dadka khibradda u leh sida looga hor tago xanuunkan lana duceysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *