Maamulayaasha iskuulada kala duwan ee dalka oo ku baaqay in dib loo dhigo imtixaanada qaran sanadkani

Maamulayaasha iskuulada  kala duwan ee dalka  ayaa waxay baaq xoogan uu direen wasaaradda waxbarashada ee dalka .

Maamulayaasha iskuulada  kala duwan ee dalka ayaa waxay ugu baaqayaan  wasaaradda waxbarashada ee dalka iyo dowladda  in  ay  dib uu dhigaan imtixaanada qaran ee sanadkani .

Maamulayaasha iskuulada  ayaa waxay sheegeen in  kiisaska cudurka corona oo maalin kasta sii kordhaya aysan suura gelin karin in iskuulada dib loo furo .

Dhamaan iskuulada ayaa ilbaabada loo laabay   bishii  bartamaha march   kadib  markii dalka laga helay cudurka Corona  .

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa  sheegtay in   bisha August inagu soo adaan kiisaska cudurka Corona ay sii badan doonan .

Dhanka kale jadwaalka  golaha imtixaanada qaran ee dalka  loo soo gaabiyo KNEC  ayaa tuusinaya imtixaanka qaran ee KCPE-da  ee sanadkani ay bilaaban  doonto   taarikhda marka ay tahay 27 bisha October  halka KCSE-da ay bilaaban doonto  taarikhda marka ay tahay 2-da bisha November .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *