Antoine Griezman oo mustaqbalkiisa shaki la geliyey

Wararka na soo garaya ayaa waxay sheegayaan in  weeraryahanka Barcelona ee Antoine Griezmann kaasi oo warar kala duwan mustaqbalkiisa dood gilinayaan

Laacibkaas 29 sano jirka ah ayaa lala xariirinayaa in uu aadi doono midkood Chelsea iyo PSG oo uu qeyb ka noqon doono hishiis is weydaarsi ay qeyb ka yihiin Neymar iyo Kante

Intaas kaliya ma aha , kooxda Newcastle United ayaa iyana qeyb ka ah kooxaha xiiseynaya xilli hantiilayaasha reer Sacuudi ee kooxdaas iibsaneysa ay u sameeyeen laacibka balan qaad

Mundo Deportivo waxa ay qoreysaa in Antoine Griezmann uu ku war giliyay maamulka Barcelona in uusan ku fikireyn in uu baxo uuna aamisan yahay in waqtiga adag uu ka baxayo.

Antoine Griezmann ayaa ku doodaya in la qabsi uu ku jiray xilli ciyaareedkiisa koowaad ee kooxda balse haatan uu rajeynayo in arintaas laga gudbo .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *