Xisbiga Wiper oo manta kulan ballaraan uu qabtay xubnahiisa

Golaha Fulinta Qaranka ee Xisbiga  Wiper Democratic Movement-Kenya, oo maanta yeeshay  kullan uu shir gudoomiyay hogaamiyaha Xisbigaasi  Kalonzo Musyoka, ayaa aqbalay in xibigaasi uu isbaheysi la sameysto xibiga jubillee iyo kanu.

Heshiskaasi aya xisbiga wiper uu saxiixi doona gudoomiyaha xisbiga, Chirau Ali Mwakwere, iyo xoghayaha guud, Sen. Judith Sijeny.

Gollaha xisbigasi oo maanta qaab casri ah oo online ah ku yeeshay kulaan aya ku heshiiyay in go’ankasi  sida ugu dhaqsiyaha badan loo baas mariyo.

Gollaha xisbigasi aya sido Kale ku heshiiyay in kadib markii heshiskaasi la gaaro loo yeeri doono dhamaan xubnaha xisbigaasi kuwaasi oo iyagana taageri doono.

Guddiga aya ku heshiyay in inta laga gaarayo heshiskaasi uu xibiga wiper kasii mid ahaan doono isbaheysiga NASA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *