Kulamada guddiyada senedka oo qaab online ah uu dhici doonan

Afhayeenka aqalka senedka ee dalka Kenneth Lusaka ayaa  daboolka ka qaaday in senetarada aan loo ogalaan doonin in ay ka qeybgalaan kulamada  guddigyada aqalka senedka laga bilaabo toddobaadka inagu soo adaan 

Afhayeenka aqalka senedka ee dalka Kenneth Lusaka ayaa sheegay in  hal bil la joojiyey kulamada guddiyada oo ay senetarada ka qeybgalaan si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Corona 

Mr Kenneth Lusaka  oo kulan la qaatay dhamaan guddomiyayaasha guddiyada aqalka senedka ayaa carabka ku dhuftay in kulamada iyo shirarka guddiyada  ay uu dhici doonan qaabka maqaal iyo muuqaal ah oo dhanka internet-ka ah 

Mr Kenneth Lusaka  ayaa tallaabadani ku sheegay in ay tahay mid lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Corona.

Amarkani ka soo baxay Afhayeenka aqalka senedka ee dalka ayaa ku soo beegmeya iyadoo maalmo ka hor barlamaanka ee dalka uu joojiyey qaar  ka mid ah howlahiisa si loo xakameeyo cudurka Corona 

Toddobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii golaha ay ku bahoobeen gavanayaasha ee dalka  uu  ugu baaqay afhayeenka aqalka senedka in uu ka dhaadhiciyo in senetarada ay qaab Online ah ku yeeshaan kulamdooda .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *