Kenya iyo Tanzania oo xaliyey khilaafkii ka dhaxeeyey

Wasirka wasaaradda gaadiidka ee dalka James Macharia ayaa manta daboolka ka qaaday in xal laga gaaray khilaafkii ka dhaxeeyey dowladaha Kenya iyo Tanzania 

Khilaafkani  ka dhaxeeyey dowladaha Kenya iyo Tanzania ayaa  ku sabsanaa liiska wadamada  ay dowladda uu ogolaatay in ay muwaadinintooda  uu soo safri karaan dalkani Kenya .

Wasirka wasaaradda gaadiidka ee dalka James Macharia oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaliyey oo la dhameeyey  khilaafkani  kadib markii uu la hadlay dhigiisa ee dalka Tanzania 

Wasir James Macharia ayaa beeniyey in dowladda ay mamnuuc saartay diyaaradaha ka soo duulo dalka Tanzania  in ay wadanka ay soo galaan .

Dalkani kenya ayaa manta  dib uu furay duulimaadyada calaamiga ah  kadib bilooyin badan oo ay xirnaayeen  cabsi laga qabo cudurka Corona .

Hadalka ka soo yeeray wasirkani ayaa ku soo  begmay iyadoo wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka mutahi kagwe uu sheegay in 23 bukaan ay uu dhinteen cudurka Corona ee 24-kii sacadood ee la soo dhaafay .

Wasir Mutahi Kagwe  ayaa sheegay in tirada guud ee bukaanada uu dhinteen cudurka Corona ay gaartay 364 .

24- kii sacadood ee la soo dhaafay ayaa 264 bukaan  ayaa ka soo boogsadeen cudurka Corona taasi oo tirada guud ka dhigeysa 8371.

Tirada kenyanka uu ku dhacay cudurka Corona ayaa waxay gaartay 21,363.

Labadani Waasir ayaa waxay warbaahinta kula hadleen garoonka calaamiga ah ee diyaaradaha ee Jomo Kenyatta .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *