Arsenal Vs Chelsea

Kooxaha Arsenal & chelsea ayaa isaga hor iman doona kulankii ugu dambeeyay ee maxali ah ee England kulan ka dhici doono garoonka Wembley kana tirsan Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedka 2019/2020.

Labada kooxood oo ay kala hogaaminayaan laba tababare oo da’yar ah ayaa isha ku haya in ay koobkoodii ugu horeeyay ku guulaystaan tartanka FA Cup.

Kooxaha Chelsea & Arsenal ayaa isaga hor iman doona Final-kii 3-aad ee tartanka FA Cup-ka iyada oo Arsenal labadii koob ee hore ka qaaday Chelsea.

Arsenal ayaa laba u jeedo u soo galaysa kulanka una doonaysa in ay ugu guulaysato koobka waana in ay ka baxdo koob la’aanta xilli ciyaareedkan iyo waliba in ay Europa League xilli ciyaareedka dambe u soo baxdo.

Dhanka kale Chelsea ayaa kulanka u soo glaysa in ay koob la’aanta kaga baxdo xilli ciyaareedkan marka loo eego in ay u soo baxday champions League.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *